ubax jacayl

sheekooyin

Home
musik
sheekooyin
maxaadirooyin

awlaad jacayl dhalay udgoonkaad ku garataa

 
ha

adiga

sheeko jacyla !!!!! 

Wadnayaal  Is jeclaaday!!!!Waa sheeko jacayl ah oo dhex martayQalbi Xaaji Aden   Iyo Aqli jaamac yare

Waa  Qiso dhaba

Qalbi, waxay ku dhalatay xaafada shacabka ee magaalada Hargaysa, Sanadkii, 1972.

Wax barashadeedi hoose waxay ku soo qaadatay dugsiga sheekh Bashir, wax barashadeedi sarena Qalbi, waxay ku soo qaadatay dugsiga ina Oomaar, ee isla magaalada Hargaysa.

Hibo eebe ku siiiyey iyo habeen la iskama qaado,” ee Qalbi, kasokow waxbarashadeeda dugsiga waxay aad ugu wanaagsanayd guud ahaan cayyaraha fud-fudud gaar ahan cayyarta kubada koolayga ee loo yaqaan “Basket Ball.” Qalbi waxay markiiba ka mid noqotay gabdhihi u cayaari jiray kubada kolayga isla dugsiga ina Oomaar ee magaakada Hargaysa.

Fir-fircoonidi iyo cayaar wanaagi ay Qalbi, muujisay waxay dhaxalsi-say in ay isla markiiba u gudubto oo loo qaatay xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi galbeed.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa Qalbi u yeedhay gudoomiyihi Gudiga olombikada gobolka waqooyi galbeed “Adbillahi Dheere” iyo taba-barihi kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi Galbeed “Axmad jinac” oo Qalbi ugu bishaareeyey in Ayyada loo doortay kabiteenada hogaamin doonta kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka. Waxa kale ooy Qalbi u shegen in dhammaan kooxaha xulka wiilasha iyo gabdhaha kubada kolaygu soo diyaar noqdaan maalinta Jimcaha, 10 ka Subaxnimo, si ay ugu kici timaan magaalo madaxda Muqdisho ooy kaga qayb gali donaan tartanka ciyaaraha koobka horyaalka gobolada ee kubada kolayga.

Qalbi magaalada Muqdisho dad qaraabo ah iyo asaxaabatoona kama-taqaan, sida darteed, waxay go’aansatay inay dhanba u dhaafin gurigi mar-tida lo dajiyey oo Qalbi waxay wakhtigeedi ku soo koobtay: .

Mar ay tartan ciyaareed ku maqantahay,

Mar ay tababar ku maqantahay,

Iyo mar ay Buug aqrisanayso.

Qalbi, intii lagu gudo jiray tartankii ciyaaraha koobka horyaalka kubada kolayga waxay isbarteen- Nimco Jeego oo ahayd, kabitanka kooxda Xulka horyaalka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka Banadir. Nimco Jeego waa gabadh aad u fur-furan, si wanaagsanna uga qayb-qaadatay dhinaca soo dha-weeynta iyo marti-galinta dhammaan kooxihi ka kala yimid gobolada dalka.

Maalin maal maha ka mid ah, rugtii ay daganayd Qalbi, waxaa ugu timiday Nimco Jeego, waxayna u sheegtay inay kooxda horyaalka gabdhah iyo wiilasha gobolka Banadir ee kubada kolaygu casho ugu marti qaadeen Hoteelka Curuba, habeenka Qamiista ee Jimce soo galayo dhammaan koxda Horyaalka Gabdhaha iyo Wiilasha kubada kolayga ee ka yimid gobalka wo-qooyi galbeed.

Waxaa lasoo gaadhay habeenki Qamiisti ee Jimce soo galayey:

Waa habeen u haba-yaraate wax caad ihi saarnayn cirka.

Waa habeen u heer-kulka magaalada Muqdisho taagan yahay halkii ugu wanaagsana.

Waa habeen saxan-saxo udgoon badani babanayso daafaha magaalda.

Waa habeen aad laydha caafimaad iyo naacawda caashaqa Ood hawada ka nuugtid mooye, waa habeen ay naftu, Waa habeen ay naftu guriga galba ku dhahayn.

 

Waxaa hal-hal, laba-laba, koox-koox iyo raxan-raxanba loo soo galaya oo la iskugu yimid waa marti-qaadkii cashada iyo hoteelki Curuba. Waxaa wiil iyo gabadh loo labisan-yahay maxaa kaa galay camal. Waxaa qof walba sitaayi waa labiskii aynan uga danbaynin. Waa labiskii u qof walba is-lahaa hadaad mar uun xidhan lahayd Allay-illehe, Alla-ilehe caawa xidho (xiro).

Saacadu markay ahayd, 7:30 kii, fiidki, waxaa albaabka hoteelka Curuba gaar ahaan qolkliisa xafladaha ka soo gashay gabadh u Allahen, Dhumuc iyo dhererba u dhameeyey, hubqaa- dkeeda iyo hannaan wanaageeda ba aad iyo aad lola dhaygagay.

Waxaa mar qudh ah is-taagtay shan-qadhii qolka, dhammaan wiil iyo gabadh inta lawada aamusay waxaa daymo layaab leh sidaa loo wada Jalleecay dhinici gabdha oo aad moodaysid in Nal ama laydh laga soo iftiimshay.

Waxaa fadhiya dhanka midigta ee albaabka laga soo galo hoteelka Curuba, gaar ahaan qaybtiisa xaafladaha Afar wiil oo dhallin-yar ah. Waxay aad iyo aad ugu qushuuceen sha’ni wanaagi iyo sharfti ka muuqatay gabadhan albaabka ka soo gashay, oo wiil walba is-dhahay Ar-may taada noqota, waxaase wiilashi iswa-ydiyeen carr yaa gabadhaas la hadli oo nin raga ah?, wiilka ka mid ah wiilashi ayaa soo kacay isagoo sharad ku soo galay inu gabadha la hadli dono oo u isagu ku qaban doono wiilku isaga un ba is- dhahaye, ma oga waxa u kala kulmi iyo wax u mudan midba, wuxa u wiilku ogayn hadal adayga hablaha Soomaaliyeed guud-ahaan, gaar-ahaan habeenka iskugu kiin horaysa in-aan dhayal iyo ciyaar ciyaarba loogu soo gali karin Qalbi se, wayba ka sii xag jirtaa oo waa gabadh aad u dagan, hadal kooban, miisaaman oo xikmad badan leh waa gabadh aan haba-yaraate loola iman karin sheekooyinka raqiiska ah.

Waa laba aan is ogayne isku eeg waxay kala qaadan. Horayba seLo yidhi, “ Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin.”

Wiilki, gabadhi waa u yimid isagoo ilka cadaynaya oo wuxu ku dhahay,

“Abaayo waa lagu salaamay.”

"Qalbi,"- walaal waa lagaa qaaday.

“wiilki,"- Abaayo qof miyaad raadinaysay.

“Qalbi,"- Walaal qof baan raadinayeyba kumaan odhan.

“Wiilki,"- Abaayo hablihi martida aha inad tahay wan u jeeda, side-waaye

“Qalbi,"- walaal waxba taas kaama galine, danhaaga sheego.

“Wiilki,"-Abaayo adiga uunbaan ku caawin-rabay NO.

“Qalbi,"- Walaal intaas mooye wax kale miyaad haysa.

Markay intaas iswaydaarsadeen, wiilki yaabka ka dhammaday, oo cabaar intu aamusay ba waax hadal ahi ka soo bixi waayay.

Waxaa gadaal kaaga timid Nimco Jeego oo intay ku soo booday labada daan ka dhunkatay waxay tidhi, “Alla waa Qalbi abaayo ii warran sideed tahay.”

“Qalbi,"- Walaal waan iska fiicanahay ee adigu ii warran, sideed tahay.

“Nimco"-Abaayo waan fiicanahay, oo hadaan isdhahayey maxaa ku dhacay gabadhi.

“Qalbi,"-Walaal malaha waan idinku soo daahay ee iga raali ahaada.

“Nimco,"-Maya, abaayo naguma aad soo dahin ee, walaalkay Aqli na maad istaqaanaan oo inteed isku barateen.

kaahelay  Image hosted by TinyPic.com